Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Siyaasiyiin ka tirsan Ururka Aalla Sheekh ay kulan xasaasi ah la qaaten Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia.
Kulanka ayaa la sheegayaa inuu qaatay Saacad iyo Bar, iyadoona ujeedka kulanka lagu sheegay inuu ahaa sidii ay isku fahmi lahaayeen Aalla Sheekh iyo Ururka Dam-Jadiid.
Mas’uuliyiinta kulankani ayaa Madaxweyne Xasan sharaxaad dheeri ah kasiiyay Siyaasadooda, waxa ayna sharaxaad dheer kadib isla arkeen in ay wada shaqeeyeen haddii ay si isku mid ah u gaari karaan danahooda.
Madaxweyne Xasan ayaa ku faanay in Xukuumada iminka dhisan ay Aalla Sheekh ku dhex leeyihiin xubno dhowr ah, waxa uuna sidoo kale soo hadal qaaday in Talisyada Hay’adaha Amaanka ay miisaan taa lamid ah ku dhex leeyihiin.
Siyaasiyiinta Aala Sheekh, ayaa Madaxweyne Xasan uga mahadceliyeen garashadiisa Siyaasadeed, iyagoona ku celcelshay in ahmiyadu ay tahay in la kordhiyo iska warqabka labada dhinac.
Si kastaba, kooxda Aala Sheekh ayaa la rumeysan yahay inay tahay kooxda ugu xooggan ee Xasan Sheekh daaqadda ka saari karta marka la gaaro doorashada 2016-ka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

