Golaha Amaanka oo go’aan ka gaaraya xaalada Somalia

New York (Caasimada Online) – Sida uu qurshuhu yahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan gaar ah ka yeelan doono xaaladda Soomaaliya,  maadaama ay idlaatay muddada xil-henta ee madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Fadhiggan oo ay dalbatay boqortooyada Britain oo ka mid ah shanta dowladood ee Joogtada ah ayaa waxaa go’aan looga gaarayaa mowqifka ay Qaramada Midoobay ka qaadanayso arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan xaaladda kala guurka ah ee la galay.

Sidoo kale kulankan deg-degga ah ayaa waxaa lagu dajin doonaan qorshe siyaasadeed oo ku aadan jiheynta xaaladda Soomaaliya.

Dhinaca kale afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric ayaa sheegay inay weli u arkaan inay kulmi karaan madaxda Soomaaliyeed, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la helo heshiis siyaasadeed oo dhab ah.

“Wadahadalka dhammaan dhinacyada arrintaan khuseyso waa lama huraan waana in la helo heshiis cad oo ballaaran oo ku saabsan halka loo socdo iyo dhabbaha loo marayo, London ayaa qorsheysay kalfadhi looga doodayo amniga iyo Xasiloonida Soomaaliya oo ku taariikheysan 22-ka Febaraayo kahor inta aan la cusbooneysiin Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ku beegan 28-ka Febaraayoo 2021.” ayuu yiri Stephane Dujarric.

Soomaaliya ayaa gashay marxalad aan horay loo arag, taas oo ah in muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne la doortay ay dhammaato, iyada oo aan weli heshiis siyaasadeed lagu aheyn hannaanka looga gudbayo marxaladda aga ee kala guurka ah.