Midowga Yurub oo digniin kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Ururka Midowga Yurub ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan doorashooyinka 2021-ka.

Midowga Yurub ayaa marka hore ka digay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka dalka oo uu weli ka taagan muran xoogan, iyadoona lagula kala tegay wada-hadalladii socday.

Josep Borrell oo ah madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Ururka Midowga Yurub, ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed inay heshiis rasmi ah ka gaaraan khilaafka ka jira dalka, isaga oo tilmaamay haddii uu sii socdo inuu halis ku keenayo xasiloonida Somalia.

“Wax kasta oo isbarbar socda ama qeyb ka ah howlaha loo xilsaaray hay’adaha doorashooyinka, oo aan ahayn farsamo ahaan, waxaa loo qaadan doonaa dib u dhac xoog leh,” ayuu yiri Josep Borrell.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku haya doorashada inay xal u raadiyaan is marin-waaga u dhexeeya, si loo qabto doorasho loo dhan yahay.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo weli beesha caalamka ay waddo dadaalkeeda ku aadan doorashada 2021- waxaana socda qorshe la’isugu keenayo madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo saamileyda kale,si looga wada-hadlo doorashooyinka.