Gudoomiyahii Soomaaliga ahaa ee maxkamadda caalamiga ICJ oo la badalay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyahii Soomaaliga ahaa ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) Cabdulqawi Axmed Yuusuf ayaa baneeyay xilka kadib markii uu dhamaaday muddo xileedkiisa.

Madaxweynaha cusub ayaa ah gabadha xaakimka ah ee u dhalatay dalkan Maraykanka ee lagu magacaabo Joan E. Donoghue. Xaakimka u dhalatay dalka Ruushka ee lagu magacaabo Kirill Gevorgian ayaa sidoo kale loo doortay madaxweyne ku xigeenka maxkamadda.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ayaa qaadda dacwadaha iyo muranada heerka caalamiga ah ee u dhexeeya dawladaha, waxaana maxkamaddan ay hoostagtaa Qaramada Midoobay iyadoo la aasaasay sannadkii 1945-tii.

Maxkamaddan ayaa bisha dambe dhagaysan doonta kiiska badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Dacwdadan ayaa dhagaysigeedu soconayaa inta u daxaysa 15-19 bisha Maarso ee soo socota.

Garsoorayaasha dawcaddan dhagaysan doona ayaa tiradoodu dhan tahay 15, waxayna kala yihiin: Joan E. Donoghue (Maraykan) Kirill Gevorgian (Ruush) Peter Tomka (Slovakia) Ronny Abraham (Faransiis) Mohamed Bennouna (Morooko) Antônio Augusto Cançado Trindade (Barazil)Cabdulqawi Axmed Yuusuf (Soomaaliya) Xue Hanqin (Shiinaha) Julia Sebutinde (Uganda) Dalveer Bhandari (Hindiya) Patrick Lipton Robinson (Jamayka) James Richard Crawford (Australia) Nawaf Salam (Lubnaan) Iwasawa Yuji (Japan) Georg Nolte (Jarmalka).