Maxay Villa Somalia ka tiri hadallada musharraxiinta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimu oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray musharraxiinta mucaaradka ee ahaa in aysan madaxweyne u aqoonsaneyn, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Macalimu ayaa wareysigiisa ku billaabay in aysan sharciga ku qotomin hadallada kasoo yeeraya mucaaradka, wuxuuna ugu baaqay in aysan abuurin xaalado aan jirin.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu jiro xeer uu meel mariyey baarlamaanka oo sheegaya in hay’adaha dastuuriga ay xilka sii haynayaan illaa kuwa kale laga soo doorto.

“Marka hore soo jeedinta xubnaha mucaaradka ma aha mid sharci ku qotonta, sababtoo ah waxaa la ogyahay in qaraar baarlamaan uu jiro oo horey baarlamaanka hadda jooga ee 10aad ay u ansixiyeen labadiisa taasi oo ah in baarlamaanka hadda jooga waxa badalaya oo kali ah baarlamaan la soo doortay hay’adaha kale ee dastuuriga ee madaxda ay ka mid tahay waa la mid,” ayuu yiri Mr Maxamed Ibraahim Macalimu.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in madaxweynaha iyo baarlamaanka ay sii joogayaan illaa laga bedaayo.

“Inta madaxwayne laga dooranayo ama inta baarlamaan cusub laga dooranayo, waxaa shaqeynaya baarlamaanka hadda jira,” ayuu markale yiri afhayeenku.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay haatan waddo dadaallo xoogan oo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa dooraashooyinka, islamarkaana ay dowladdu rajo weyn ka qabto in wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka doorashada.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo lagu soo kala tegay shirkii wada-tashiga Dhuusamareeb oo looga arrinsanayey xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka.