Golaha Ammaanka ee QM oo ka shiraya xaaladda cakiran ee ka taagan Soomaaliya

New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markale ka shiraya xaaladda guud ee Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in kulankooda uu si rasmi ah u furmo gelinka dambe ee maanta oo Arbaco ah, kuna beegan 17-11-2021-ka.

Ugu horreyn golaha ayaa warbixin ka dhageystay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo ka hadli doono xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan caqabadaha weli hortaagan doorashooyinka, amniga iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

James Swan ayaa sidoo kale la filayaa i khudbaddiisa uu diiradda ku saaro walaaca weli ku aadan dib u dhaca doorashooyinka oo aad uga daahay qabashada, xilligii loo qorsheeyey.

Sidoo kale waxaa kulankan isna warbixin ka jeedin doono Danjire Francisco Madeira oo ah madaxa AMISOM oo isna diiradda saari doono arrimaha ammaanka ee doorashooyinka.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale kulankooda la filayaa inay ku soo qaadaan xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha haatan ka jira gudaha dalka.

Kulankan ee ay xaaladda Soomaaliya ka yeelanayaan golaha ammaanka ayaa daba socda qoraalkii dhowaan kasoo baxay beesha caalamka ee looga walaacay doorashooyinka dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirtay xaalada kala guur ah oo ka dhalatay doorashada baarlamaanka iyo mida madaxweynaha oo uu ku yimid u dhac ballaaran.