Yuusuf Garaad Cumar: Qof iyo cod keliya ma’aha xaqa doorasho ee muwaaddinka

Muqdisho (Caasimada Online) Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa qoraal soo saaray kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

Yuusuf Garaad ayaa walaac ka muujiyey hannaanka doorashooyinka dadban ee dalka, wuxuuna sheegay in xaqa ka maqan shacabka xittaa aysan aheyn doorashada inay noqoto qof iyo cod, isla-markaana ‘aan loo ogoleyn’ inay muwaadiniinta isa soo sharraxaan.

Sidoo kale wuxuu tusaale u soo qaatay lacagaha faraha badan ee laga qaado musharixiinta oo aysan badi awoodin dadka doonaya inay ku biiraan siyaasadda iyo hoggaanka dalka.

“Qof & Cod keliya ma aha xaqa doorasho ee muwaaddinka ka maqan. Inuu isagu murashax noqdo ayaan loo oggoleyn. Waayo Soomaali inteeda badani ma awooddo inay bixiso 10 Kun, 20 Kun & 50 Kun oo doollar si loogu oggolaado tartanka,” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Doorashada Soomaaliya ayaa ah mid aad loogu lamayo, waxaana furaha koowaad ah dhaqaalaha oo ay musharixiinta adeegsanayaan, si ay ugu soo baxaan tartanka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay ka socota doorashada Golaha Shacabka oo tartan adag loogu jiro, isla-markaana ka adag mida Golaha Shacabka.