Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka JUBBALAND

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee degmada Kismaayo ayaa si adag uga horyimid amar shalay kasoo baxay xafiiska Duqa degmada Kismaayo, kaasi oo lagu hakiyey dacwadihii dhulka.

Warqada uu maanta soo saaray Guddoomiyaha maxkamada darajada Koowaad ee degmada Kismaayo ayaa la fahamsan yahay inay banaanka usoo saartay khilaaf huursana oo kala dhaxeeyay Duqa degmada.

Guddoomiye Muuse Cismaan Geedi ayaa sheegay in warqada Duqa degmada Kismaayo ayna laheyn wax saldhig qaanuuneed ah, islamarkaana ay kasoo horjeedo awoodda garsooridda ee maxkamaddaha.

“Waxaa cadaynayaa in warqadda Guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada ee kor ku xusan aysan laheyn saldhig qaanuuneed, waxaana ka dhalanaya ku xadgudub awoodaha dastuuriga ah iyo shuruucda kale ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee degmada Kismaayo.

“Waxaa u sheegaya bulshada Jubbaland, gaar ahaan bulshada degmada Kismaayo in dacwadihii ay u socdaan sidii caadiga aheyd aysanna jirin wax isbadel ah oo ku yimid habsami u socodkii shaqada garsoorka.”

Guddoomiye Geedi iyo Duqa Kismaayo ayaa isku haya hab qaadista dacwadaha dhulka, oo uu shalay hakiyay Duqa degmada, taasi oo si adag uga horyimid Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee degmadu.