Daawo: Boqor Buurmadow oo sheegay arrin uu abaal uga hayo beesha Mudullood

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa maanta ka qeyb galay kulan casuumaad ah oo waxgaradka beelaha Mudullood ay u fidiyeen Boqorka, waxuuna casuumaadka kadib la hadlay warbaahinta.

Boqor Buurmadow ayaa sheegay in ka Dir-waqooyi ahaan ay abaal weyn u hayaan beesha Mudullood, abaalkaas oo ay u galeen xilligii ay socdeen duqeymihii uu amray Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ee ka dhacay magaalooyin ay Hargeysa ugu horeyso.

Waxuu sheegay in waxgaradka beesha Mudullood ay xilligaas ku dhiiradeen inay Shirib ka tiriyaan dhibaatadii uu Maxamed Siyaad ka geysanayey waqooyiga Soomaaliya.

Sidoo kale waxuu xusay in duuliye Axmed Dheere oo ka soo jeeda beesha Mudullood uu abaal weyn u galay dadka dega waqooyiga Soomaaliya, kadib markii uu diiday amar lagu siiyo inuu duqeeyo magaalada Hargeysa, xilligaas oo diyaaradii uu waday uu ula goostay dalka Jabuuti.

“Walaaleen beesha Mudullood hadii ay noo imaan waayeen markii aan kala tagnoo aan wax kala tirsanay, maanta anagoo miisaan leh waxaan go’aasanay inaan walaaleheen u hoyano, oo la qeybsano waxa ay tirsanayeen, shiribkii ay noo tiriyeen xiliyadii adkaa, meel fog ayuu nooga yaallaa, waxaa kaloo meel adag nooga taalla ninkii Mudullood ka soo jeeday Axmed Dheere ee nagala xishooday inuu na duqeeyo ee naftiisa qatarta noo geliyey,” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

Sidoo kale Boqor Buurmadow ayaa beelaha Mudullood ku amaanay ilaalinta dhaqanka iyo kala dambeynta oo sida uu sheegay ay uga horeeyaan beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo