ROOBLE oo Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiil ciidan iyo arrimaha uu kala hadlay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay.

Sidoo kale waxaa kulankaan qeyb ka ahaa Taliye Xuseen Axmed oo kamid ah Saraakiisha guutada 5-aad, waxaana looga wada-hadlay arrimaha amniga iyo howl-gallada ka dhanka ah kooxda argagixisada ee Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiishan ku bogaadiyey howl-galada ay ka wadaan deegaanada maamulka Galmudug, ayada oo lagu soo hadal qaaday howl-galkii Guriceel looga saaray dhaq-dhaqaaqa Ahlu-Sunna ee dagaalka la galay maamulkaas.

Saraakiisha ayaa u ballan-qaaday Ra’iisul Wasaaraha inay dardar-gelin doonaan howl-galada dib u xoreynta ee ka dhanka ah argagixisada, iyagoona ra’iisul wasaaraha ugu mahad-celiyay dhiirigelinta uu u sameeyay.

Ra’iisul Wasaaraha oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ayaa hore kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug oo uu kala hadlay xoojinta kaalintooda nabadgelyada, dib u heshiisiinta iyo doorashada.