Kooxda fulisay qaraxyadii shalay lagu qaaday Kampala oo shaaca laga qaaday

Kampala (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyo mataano ahaa oo Talaadadii ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, kuwaas oo dilay saddex qof, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Daacish ayaa bayaan ay soo dhigtay Telegram ku sheegtay in saddex qof oo ismiidaamiyey ay ka qeyb qaateen qaraxyada, ayada oo mid ka mid ah weerarada lagu beegsday saldhig boolis, halka kan kalena lala eegtay xarunta baarlamanka.

Booliska ayaa fashiliyey qarax saddexaad, ayaga oo walxo qarxa kasoo qaaday guriga ismiidaamiye la tuhunsan yahay, kaasi oo la toogtay lana dhaawacay, sida uu sheegay afhayeenka booliska Fred Enanga.

Booliska Uganda ayaa qaraxyada ku eedeeyey “koox argagixiso oo gudaha ah” oo xiriir la leh kooxda ADF, ee dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Bishii April 2019, kooxda Daacish ayaa billowday inay baraha bulshado ku sheegato qaar ka mid ah weerarada ADF, ayada oo kooxda u bixisay magaca Kooxda Daacish ee Gobolka Bartamaha Afrika ama ISCAP.

“Uganda waa mid ka mid ah dalalka ka qeyb-qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Daacish ee Bartamaha Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka ay kooxda soo saartay.

Dowladda Mareykanka ayaa bishii March waxay ADF si rasmi ah ula xiriirisay Daacish.

Qaraxyada mataanaha ee shalay ayaa daba socda laba qarax oo dhacay bishii tagtay – mid lala beegsaday bas marayey meel u dhow Kampala oo ay dhowr qof ku dhaawacmeen, iyo mid ka dhacay maqaayad ku taalla caasimadda oo haweeney ay ku geeriyootay.

Booliska ayaa bishii tagtay sheegay in labada qarax ay fuliyeen dagaal-yahanada kooxda ADF.

Uganda ayaa sidoo kale ADF ku eedeysay qarax la fashiliyey oo bishii August lala beegsan lahaa tacsida Jeneraal lagu naaneysi jiray “Libaaxa Muqdisho,” oo Al-Shabaab kula dagaalamay Muqdisho.

Kooxda aadka looga cabsado ee ADF, oo ah koox mucaarad ah oo taraiikh fog ku leh Uganda, ayaa lagu eedeeyey dilka kumanaan qof oo ahaa shacab ku nool bariga dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Kaniisadda Katooliga ee Congo ayaa sheegtay in ADF ay dileen qiyaasti 6,000 oo qof tan iyo 2013.