Golaha Ammaanka ee QM oo go’aan cusub ka gaaray howlgalka UNSOM ee QM

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammmaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo hal sano ah oo dheeri ah u kordhiyey howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano UNSOM.

Golaha ayaa meel-mariyey qaraar ku aandan muddo kordihintan oo ku eg illaa 31-ka October ee sanadka soo socda 2023-ka.

Waxaa qaraarkan oo uu tirsigiisu yahay 2657 u codeeyey illaa 14 dal, halka 1 waddan oo kaliya uu ka aamusay.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa shaaca ka qaaday in ay si dhow ula socon doonaan xaaladda Soomaaliya, islamarkaana ay ku sameyn doonaan dib eegis, ayada oo loo kuur galayo dhanka horumarka siyaasadda iyo sidoo kale  xaaladda amni ee waddanka.

UNSOM ayaa sanad kasta loo sameeyaa muddo kordhin horleh, ayada oo ujeedadu ay tahay in lasii wado howlahala Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Si kastaba howlgalka kaalmeynta QM ee Soomaaliya ayaa la aas aasay bishii June ee 2013, ayada oo loo abuuray in la taageero dhismaha dowladnimada iyo nabadeynta Soomaaliya.