Madaxda Golaha Wadatashiga oo farriin u diray Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu soo gaba-gabeeyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad-goboleedyada, ugana socday Villa Somalia.

Shirka oo qaatay waqti ka badan intii loo qorsheynayey ayaa waxaa qeyb kamid ah si weyn loogu bogaadiyay Somaliland, gaar ahaan amniga iyo dimuqraadiyada sanado badan jirsatay.

“Goluhu wuxuu bogaadinayaa dhaqanka deganaanshiyaha siyaasadeed, wada-nolaanshiyo iyo dimuqraadiyadda ee ay Somaliland ku soo caano maashay,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Sidoo kale waxay madaxda Soomaaliyeed ugu baaqeen shacabka iyo madaxda Somaliland inay ilaashadaan xasiloonida iyo nabadda ay mudada badan kusoo caano maashay Somaliland.

Waxaa xusid in war-murtiyeedka kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran aan Somaliland loogu yeerin maamul, midaasi oo u muuqata in madaxdaan ay aad uga taxadareen si aysan macno kale u yeelan farriintoodu, islamarkaana ay usii kala fogaan.

Baaqa madaxda Soomaaliyeed ayaa imanaya ayada oo Somaliland muddooyinkii dambe ka jirtay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta arrimaha doorashooyinka, kadib markii Golaha Guurtida ay muddo kororsi u sameeyeen madaxweyne Muuse Biixi.