Golaha Ammaanka oo war culus kasoo saaray Somalia

New York (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii argagixiso ee ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyo magaalada Beledweyne, 23-kii March 2022, kuwaas oo ay mas’uuliyadooda sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Qaraxyadaas waxaa lagu dilay tobanaan qof, waxaana ku dhaawacmay tira intaas ka badan, dadka la dilay ee la beegsanayey waxaa ka mid aheyd Xildhibaan Aamina Maxamed oo u dakanowday kiiskii Ikraan Tahliil.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin, isla markaana ay uga tacsiyeynayaan ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadaas, iyaga oo u rajeeyeen kuwa dhaawaca ah in ay si degdeg ah u bogsadaan.

“Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha, iyo maalgeliyayaasha falalkaas argagixisada ah, lana horkeeno cadaaladda,” ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Ammaanka.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ku boorriyey dhammaan dowlad-goboleedyada, ‘si waafaqsan waajibaadka ka saaran, sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Golaha Ammaanka ee khuseeya’ inay si firfircoon ula shaqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha kale oo ay khusayso arrinta ammaanka.

“Xubnaha golaha ammaanka ayaa ku celnaya in argagixisadu nooc kasta iyo muuqaallo kasta oo ay leedahay ay khatar weyn ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka. Waxay xaqiijinayaan in dhammaan falalka argagixisanimada ah ay yihiin dambiyo, isla markaana aan qiil loo heli karin, iyada oo aan loo eegin waxa ku kallifay, meel kasta, goor kasta iyo cid kasta oo geysata” ayuu sii raaciyay war-murtiyeedka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Xubnaha Golahaas ayaa sheegay inay ka walaacsa yihiin khatarta Al-Shabaab ee Nabadda iyo Ammaanka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Waxay ku boorriyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan arrimaha qaranka ee muhiimka ah, oo ay ku jiraan gunaanadka hannaanka doorashada ee socota, la dagaallanka argagixisada iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ba’an ee ka dhacaya Soomaaliya.