Xildhibaannadda cusub oo badbaado xoriyadeed uga baahan R/Wasaare Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamullada Soomaaliya ayaa daah-furay isku day ay ku muujinayaan inay gaar u leeyihiin xildhibaanada Laba Aqal ee matalaya beelaha Soomaaliyeed.

Galmudug, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland ayaa dhammaan soo bandhigay qorshooyin u muuqda handadaad siyaasadeed oo lagula kacayo xildhibaanada Golaha Shacabka oo illaa hadda soo baxay.

Afar waji ayaa loo isticmaalayaa cabsi gelinta xildhibaanada, gaar ahaan kuwa ku cusub shaqada Baarlamaanka. 247 mudane ayaa waqtigaan dooran, inkastoo ay doorasho ka jirto Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Cali Guudlaawe isaga kuma jiro madaxda maamullada ee sharafta ka qaadaya macnihii xildhibaanada wallow aan la ogeyn waxa uu fali lahaa haddii ay doorashada ka dhammaato.

Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu Garoowe isugu geeyey intooda badan xildhibaanadii uu soo saaray, Laftagareen sidoo kale Baydhabo ayuu isna isugu geeyey inta badan xildhibaanadii uu soo saaray, Axmed Madoobe Nairobi ayuu marna u raraa, marna Kismaayo ayuu ku amraa inay kusoo laabtaan, halka Qoor Qoor uu isna dhawaan shir ugu yeeray 45-ta xubnood ee uu soo saaray.

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah xildhibaanada dooran, Whatsup Groups ayaa xildhibaanada la isugu keenay, xildhibaanada qaar waxaa loo badalay shaqadoodii guulweynta madaxda maamulada oo waxay soo Share gareenayaan wararka iyo sheekooyinka been abuurka ah ee madaxdii kuraasta soo siisay si ay u muujiyaan  inay weli daacad u yihiin.

Xildhibaanada qaarkood weli waa aqbali la’yihiin inay xildhibaano yihiin, waxay hor dhooban yihiin xafiisyadii kuraasta u boobay, qaar ma garanayaan halka ay ka aadi lahaayeen xafiiskaas, wixii ay qaban lahaayeen iyo cidda ay tahay inay u adeegaan.

Dhacdooyinka laga soo warinayo xildhibaanadii dhawaan kusoo biiray Baarlamaanka Soomaaliya horey loogama soo tabin Baarlamaanadii Dalkaan soo maray.

Sida naloo xaqiiijiyey xildhibaanada qaar waxaa lagu sameeyey cabsi gelin ah in whatsupkooda lala socdo oo haddii ay qof musharax ah la hadlaan la ogaan doono, waxay xildhibaanada ku sugan yihiin marxaladdii wax walba (HAA).

Waxaa loo sheegay qaar kamid ah xildhibaanada in haddii waqtigaan ay ka hor yimaadaan hoggaamiyaha maamul Goboleedka in lagu laaban karo kurigooda.

Qaarkooda Muqdisho yimaada waxay si dhuumaaleysi ah oo iftiinka la daminayo Habeenada qaar ula kulmaan madaxda musharixiinta. Xildhibaanada dhawaan galka ah ayaa sanadkaan ku badan Baarlamaanka, Nabadsugidda saraakiil ayaa la sheegay inay u sameysatay inay dabagalaan oo xog ka keenaan dhaq-dhaqaaqa xildhibaanada iyo Dadka ay la kulmaan.

Waxaas oo dhibaatso ah badi xildhibaanada waa ogyihiin, haddaba qaarka aan la hadalnay ayaan waydiinay  sida ay aaminsan yihiin inay dhibaatadaan kaga bixi karaan oo ay ku heli karaan xornimo siyaasadeed, inay dooqooda cayaaraan dalkaa u jiheeyaan halka ay u arkaan inuu sax ku yahay.

Xildhibaanada waxay sheegeen in iyagoo aan la dhaarin oo shahaadada xildhibaanada helin inaysan wax tallaabo ah qaadi karin. Inkastoo ay tani tahay dhibaatada Koowaad oo ay leedahay doorashada boobka ah oo boob reerkaaga lagula kacay aad Nin kale u hoos jiiftay Maanta, haddana waxaa halkaan laga fahmayaa sababtii ay madaxda maamulada kuraasta u siinayeen qof walba midka uu kaga sii liito xagga fahamka siyaasadda.

Ra’isulwasaare Rooble waxaa hortaala inuu ka shaqeeyo dedajinta xornimo u raadinta xildhibaanada. Maadaama dhaarinta iyo shahaado bixinta hadda u muhiim u tahay si ay xornimo siyaasadeed u helaan waxaa Rooble looga fadhiyaa inuu difaaco jadwalkii lagu fadhiisin lahaa xildhibaanada dooran ee Labada Aqal, taasoo soo afjareysa Riyada beenta ah ee madaxda maamulada