New York (Caasimada Online) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii cod aqlabiyad buuxda ah ku meel-mariyay qaraar lagu cusbooneysiinayo waqtiga guddiga khubarada ee u xil saaran la socodka cunaqabateynta saaran kooxda Al-Shabaab.
Dhammaan 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha ayaa u codeeyay tallaabadan, taas oo oggolaanaysa in la sii wado kormeerka iyo baaritaannada maraakiibta ee lagu dhaqan-gelinayo xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya.
Sidoo kale, qaraarka ayaa sii adkeynaya mamnuucidda dhoofinta dhuxusha iyo xakamaynta walxaha loo adeegsado qaraxyada macmalka ah (IEDs), iyadoo waqtiga loo kordhiyay illaa 30-ka Nofembar, 2026.
Dhinaca kale, tallaabooyinka kale ee cunaqabateynta ah, sida xayiraadda safarrada, fariisinta hantida, iyo xayiraadda guud ee hubka, ayaa iyagu ah kuwo furan oo aan lahayn waqti cayiman oo ay dhacayaan.
James Kariuki, oo ah Sii-hayaha Safiirka UK ee Qaramada Midoobay, ayaa u mahadceliyay xubnaha Golaha sida wax-ku-oolka ah ee ay uga wada-xaajoodeen arrintan.
Dowladda UK, oo ah dalka qalin-hayaha u ah arrimaha Soomaaliya, ayaa hormuud ka ahayd diyaarinta qaraarkan.
Kariuki oo soo dhaweeyay ansixinta qaraarka ayaa xubnaha Golaha u sheegay in tallaabadani ay xoojinayso dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda argagixisada ah ee helitaanka hubka, lagu gooynayo ilahooda dhaqaale, isla markaana lagu garab istaagayo dowladda Soomaaliya sidii ay u kobcin lahayd awooddeeda ammaan.
Kooxda Al-Shabaab ayaa muddo ka badan 16 sano wadday dagaal hubeysan oo ay ku beegsanayso dowladda Soomaaliya, ciidamada amniga iyo dadka rayidka ah.
Dhinaca kale, tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2024, Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada dowlad-goboleedka Puntland, oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah, ayaa xoojiyay duqeymaha dhanka cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab-ka ku sugan koonfurta iyo bartamaha dalka, iyo kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysata buuraha gobolka Bari.
Bishii lasoo dhaafay, dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in la fuliyay 220 duqeymo oo qorsheysan tan iyo bishii Febraayo, kuwaas oo lagu dilay 868 maleeshiyaad ah, taas oo muujinaysa cadaadiska ciidan ee sii kordhaya ee la saarayo kooxahaas.

