29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

DF oo abaal-marisay rag Yaambo ku soo dilay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta abaal-marin lacageed guddoonsiiyay laba dhalinyaro ah oo si la yaab leh isaga difaacay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo kusoo weeraray deegaankooda.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Dhexe Cali Axmed Xaashi (Cali Cageey) oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isku dayeen in lacag baad ah ay ka qaataan raggan, balse ay ka diideen, iyaga oo kadib la dagaalamay xubnaha ugu tegay beertooda, waxayna ugu dambeyn ku dileen Yaambadii ay u adeegsanaayeen beertooda.

Cali Cageey ayaa sheegay in labada dhalinyarada ah ay sidoo kale soo furteen qoryo AK47 ah, kuwaas oo ay kala soo baxsadeen Al-Shabaab, iyaga oo u yimid ciidanka dowladda.

“Dadka aan abaal-marinay waa laba dhalinyaro ah oo kasoo furtay cadowga laba qoray oo AK47 ah, ugana soo furtay Yaambada lagu fasho beeraha” ayuu yiri Taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Arrintan waxay ka dhacday gudaha cadowga deegaan u dhow Booco, labada wiil ayay u yimaadeen, si ay baad uga qaataan, laakiin way iska dhiciyeen”.

Abaal-marinta la siiyay ayuu tilmaamay inay tahay mid ay u garteen in lagu dhiirageliyo labada wiil ee u bareeray inay iska difaacaan cadowga kusoo duulay.

“Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu u gartay dhalinyaradaan abaal marin lacageed waxa aan awoodno mana aha waxa ay mudnaayeen ee tabarteenna ayay ahayd” ayuu yiri.

Horay ayaa sidaan oo kale, dowladda Soomaaliya u abaal-marisay, una soo dhaweysay dad shacab ah oo ka hortegay dhagarta kooxda Al-Shabaab, kadibna toos ugu biiray dagaalka xoreynta ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News