Maxaas (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyay maleeshiyaad ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay gudaha degmada Maxaas ee gobolkaas oo ay horay ula wareegtay Khawaarijta.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii uu muran ka dhashay dukaamo la dhacay oo ku yaalla Maxaas oo ay isku qabteen labada garab ee ku dagaalamay degmadaasi.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xiisadda ay ka dartay, markii halkaasi lagu dhacay hanti fara badan oo ay lahaayeen dad shacab ah, waxaana kadib xigay dagaalka ka dhex-qarxay labada garab ee Al-Shabaab oo isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa lasoo wariyay inuu ka dhashay dagaalka, waxaana weli xaaladda ay tahay mid kacsan, iyada oo dhaq-dhaqaaqa guud la hakiyay, maadaama ay si buuxdo Maxaas gacanta ugu hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Dhanka kale, HirShabelle oo war kasoo saartay dagaalkaas ayaa xaqiijisay in Al-Shabaab ay iska dileen laba horjooge, welina xaaladda ay cakiran tahay, sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada maamukaasi Maxamed Shuuriye Nuur.
“Dagaal u dhaxeeyo Khawaarijta dhexdooda oo ka socdo degmada Maxaas, dagaallamayaasha Khawaarijta ayaa iska dilay 2-horjooge” ayuu yiri Shuuriye.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxaa soo wajahay cabsi xooggan, maadaama ay labada dhinac isku adeegsadeen hub culus, welina ay isku horfadhiyaan gudaha degmada Maxaas.
Si kastaba, Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa sii xoogeystay is-qaarijinta iyo kala-shakiga kooxda, iyada oo kooxda ay gulufka ka dhanka ah ku lumisay deegaano badan iyo dhaqaale ay heli jirtay, inkasta oo weli ay mararka qaar qaado weeraro rogaal celin ah.

