Golaha Ammaanka QM oo meel mariyey codsi ka yimid dowladda Soomaaliya

New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa meel mariyey codsi muhiim ah oo ka yimid dowladda Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen xaruntooda dhexe oo ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Codsiga oo dowladda federaalka Soomaaliya gudbisay bishii la soo dhaafay November ayaa ahaa in la cusbooneysiiyo waqtiga howl-galka burcad badeednimada looga ilaalinayo xeebaha Soomaaliya, islamarkaana aan lagu soo xadgudbin Soomaaliya dhulkeeda, taasi oo goluhu ansixiyeen.

Tallaabadan oo muhiim u ah Soomaalida ayaa waxaa oo soo dhoweeyey dad badan oo tilmaamay inay tahay guul u soo hoyatay Qaranka iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo kordhinta cusub ee uu u sameeyey howlgalka burcadbadeeda gaarsiiyey illaa bisha December ee 2020-ka.

Qaraarkan ayaa u ogolaanaya dalalka iyo ururada la shaqeeya dowladda Soomaaliya inay galaan biyaha Soomaaliya, islamarkaana ay adeegsadaan wax kasta oo u ogolaanaya inay ka hortagaan burcad-badeednimada iyo dhaca hubeysan ee badda.

Qararaka ayaa sidoo kale dalalka ku amraya inay tallaabooyinkan qaadaan ayaga oo la eegayo codsiga Soomaaliya, islamarkaana lagu dabaqayo xeerarka caalamiga ee bani’aadannimada iyo xuquuqda aadanaha.

Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay qaraarkaan oo tirsigiisu yahay 2500, waxaana ay sheegtay in sii socoshada howlgalka uu muhiim u yahay Maraakiibta isticmaasha biyaha Soomaaliya.

Weerarada ay geystaan kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ayaa sii yaraanayey sanadihii ugu dambeeyey, waxaana tan iyo 2018-kii ay fuliyeen kaliya labo weerar.