Degmada Dharkeenley oo ku guuleysatay tartanka degmooyinka G/Banaadir?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hada soo dhamaatay cayaartii fiinaalka ee degmooyinka gobolka Banaadir, taas oo garoonka kubadda cagta ee Injineer Yariisow caawa ku dhex martay degmooyinka Waaberi iyo Dharkenley.

Cayaartaan ayaa 90-kii daqiiqo ee loogu tala galay la isku mari waayey eber iyo eber, balse wixii intaas ka danbeeyay ayaa Rigoore la’aaday.

Cayaartoyda degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa ugu danbeyntii koobka qaaday, kadib markii ay cayaartoydii u dheeleysay degmada Waaberi  ay uga guuleysteen goolkii ugu dambeeyay ee Rigooraha.

Guusha caawa ay soo hooyeen cayaartoyda degmada Dharkenley ayaa ka dhigan 8-sano kadib markii ugu horeysay ee degmada Dharkenley ay koobka qaado, waxaana xusid mudan in 5-tii sano ee lasoo dhaafay ay si isdaba joog ah koobkaan ugu guuleysanayeen cayaartoyda degmada Waaberi, kuwaas oo caawa hal gool oo Rigoore ah koobka looga qaaday.

Labadan degmo oo iskugu soo haray fiinaalka ayey dhawr mar horay u baaqatay cayaartooda, kadib markii uu khilaaf xoog leh soo kala dhex galay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish iyo wasiirka cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye.

Khilaafkaas oo sababay in mudo todobaadyo ah aysan dhicin cayaartaas ayaa dhawaan xal laga gaaray, iyadoo ay taasi sahashay in caawa ay dhacdo cayaartu.