Sheekh Aadan Sunne oo maanta xoriyaddiisi dib u helay kadib saddex sano

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda sarre ee Somaliland ayaa maanta dib ugu soo celisay xoriyadiisii Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame ‘Aadan Sunne’ oo dhamaadkii 2017-ka xabsiga la dhigay.

Sheekh Aadan Sunne ayaa maanta waxay maxkamadu la sii deysay dhalinyaro la xirneyd oo hore ay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ugu xukuntay xukuno kala duwan oo u dhaxeeyay sanad iyo sagaal sanno.

Aadan Sunne ayaa sidoo kale waxay Maxkamada gobolku hore ugu xukuntay muddo dhan shan sanno oo xarig ah, iyadoo xiligaasi ay Ciidamada Booliska Somaliland ku eedeynayeen inuu waddo falal amniga lidi ku ah.

Dhalinyarada iyo Sheekh Aadan Sunne ayaa muddo sannado ah u xirnaa eedeymo la xidhiidha kicin dadweyne iyo xaalad abuur ay ka abaabulayeen Somaliland, taasi oo ay maanta maxkamdu amartay in la sii daayo.

Sheekh Aadan Sunne iyo dhalinyartii hore loola xidhay ee maanta dib u helay xoriyadoodii, ayey maxkamadu ku sheegtay sii deyntooda in lagu waayay wax dambi ah, midaasi oo ka dhigeysa in xabsiga ugu jireen fal dambiyeed aan jirin oo ay horey ugu xukuntay maxkamad.

Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore sidan xabsiga u dhigtay Sheekh Aadan Sunne, balse mudada uu xirnaa ee sanadaha ah  ayaa ka dhigaysa xadhigii ugu dheeraa ee ay xirto xukuumada Somaliland.