Golaha guud ee Qaramada Midoobe oo qaaday tallaabo Soomaaliya loogu ogolaaday…

New York (Caasimada Online) – Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxay markale go’aamiyeen in Soomaaliya ay weli leedahay xuquuqda cod-bixintooda, iyaga oo shaaciyay illaa lix dal oo lumiyey xuquuqda golaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa sida la ogyahay weli aan bixin qaaraankii Qaramada Midoobay ee lagu lahaa labaddii sanno ee la soo dhaafay.

Go’aankan ayaa noqonaya midkii sanadkii labaad ee Soomaaliya iyo dalalka Comoros, Sao Tome and Principle laga caafiyo qarashka miisaaniyada sanadlaha ee Qaramada Midoobay.

Lix waddan ayaa lumiyey xuquuqdooda cod-bixinta Qaramada Midoobay, kadib markii ay bixin waayeen qaaraankii laga rabay, kuwaasi oo kala ah; Lubnaan, South Sudan, Gabon, Venezuela, Dominican Republic iyo Equatorial Guinea.

Dalka Lubnaan oo kamid ah dalalka lumiyey xuquuqdooda cod-bixinta QM ayaa waxa uu sheegay in uu bixin doono 1.8 million oo dollar, oo ah qaaraanka kaga soo aaday miisaaniyada howl-gelinta QM.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Lubnaan ayaa sheegtay in lacagtaas u bixineyso sidii ay dib ugu heli laheyd xuquuqda cod-bixintooda, taasi oo ay hadda lumisay, sida uu sheegay Golaha Guud ee QM.

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ay xubno ka yihiin 193 dal ayaa go’aamiya “go’aanka dalalka aan bixinin kharashka miisaaniyada lagu socodsiiyo howlaha QM.”