Golaha Hoggaaminta beesha Habargidir oo war kasoo saaray xaaladda dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir ayaa lagu sheegay in madaxda waqtigu ka dhamaaday ee  dowladda federaalka ay khilaaf ka dhex abuurayaan golaha dhexdiisa, iyadoo arrintaas aad loogu dhaleeceeyey qoralkaan.

“Waxaan ogsoonahay in abaabul xoogan oo lagu kala dhantaalayo awooda golaha mudaba uu ka soctay xaafiisyada dowladda waqtigeedu dhamaaday, iyadoo qaar kamid ah xubnaha golaha laga hadalsiinayo, loona isticmaalayo dano guracan, waa in ay ogaadaan xubnaha golaha in xeer qaba doono, cid kasta oo ku xad gudubta danta guud ee loo aas-aasay Golaha Hogaaminta Habaragidir,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka oo dheer ayaa intaas ku sii daray, “GHH himaladli iyo Hilgsigii uu u qabay doorashada Soomaaliya waxay ahayd in shacabka Soomaaliyeed helaan doorasho hufan, xalaal ah, la isla ogolyahay, isla marahaantaasna lagula kala wareego xukunka si nabadgalyo ah, oo dhamaan saamilayda siyaasada Soomaaliya laga tixgaliyo, si looga gudbo dib u dhaca iyo xasarad dalka ka dhacda.”`

Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir ayaa sidoo kale qoraalkaan ku sheegay inay u muuqato khatar siyaadeed iyo mid amni oo ku gedaaman habraacii ‘sharciga baalmarsanaa ee uu ku dhaqaaqay Golaha Shacabka baarlamaaka Soomaaliya’ kaas oo mudo kordhin u sameeyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, halka madaxweynuhuna uu deg deg ku saxiixay.

“ GHH waxaa uu ka digayaa khatarta kor aan kusoo xusnay oo umadda Soomaaliyeed ku yeelan karta saameyn taban oo aan si dhow looga soo kabsa karin, wax kasta oo ka yimaada isku dhajinta kursiga oo halis ku ah dalkeena kasoo banaya qalalaase 3o-sano jirsaday, waxaa masuuliyadeeda qaadi doona madaxwaynaha iyo hogaanka golaha shacabka ee muda xileedkoodii sharciga ahaa wada dhamaaday,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada in xiligaan adag ay badbaadiyaan dalka iyo dadka Soomaallyeed, iyagoo kaashanaya saamileyda kale ee siyaasadda iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.

“Waxaa uu qayb ahaa Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir, soona dhawaynayaa wixii ka soo baxay shirweynilhii beelaha Hawiye ee Isniintii shalay Muqdisho ka dhacay,” ayaa lagu yiri qoraalkan.