BF oo u yeeray wasiir FIQI iyo guddoomiyaha SODMA

Muqdisho (Caasimada Online) – Kalfadhiga 4-aad kulankiisa labaad ee Golaha Shacabka oo maanta uu shir-guddoomiyay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa looga dooday xaaladda ka taagan dalka, ayada oo lagu go’aamiyay in loo yeero wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha hay’adda SODMA.

Kulanka oo uu goobjoog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Cabdullahi Abshirow ayaa waxaa uu ajendihiisu ahaa dhameystirka doodii socotay ee la xiriirtay xaaladda fatahaadaha ka jira dalka iyo khasaarihii ka dhashay.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa ajendaha kulanka maanta qeybtinta warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka ku dhamaaday 31-ka Decembar 2022-ka iyo qeybinta qoondaha Miisaaniyadda 2024.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa si isku mid ah ugu dooday ugana qiirooday qoysaska Soomaaliyeed ee wax yeeladu ka so gaartay fatahaada iyo daadadka ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada dalka.

Waxay xildhibaannadu soo jeediyeen in loo yeero hay’adaha dowladda u xil-saaratay arrimaha samafalka iyo mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha xukuumaddda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo gunnaanaday kulanka maanta ayaa waxaa uu ku soo gaba-gabeeyay in loo yeero wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka ee SODMA.

Masuuliyiintan ayaa wax laga weydiin doona marka ay Golaha hortagaan xaaladda fataahaadaha ka jira dalka iyo halka ay wax marayaan, maadaama Xildhibaannada soo jeediyeen.