DF oo saanad ciidan iyo dhaqaale u heshay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay taageero lacageed iyo saanad ciidan ay u heshay dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, taas oo ka timid Ururka Midowga Yurub oo si weyn u taageero Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo warsaxaafeed soo saartay ayaa u mahad-celisay Golaha Midowga Yurub oo aysheegtay in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed uu ugu yaboohay taageero dhaqaale oo dhan hal miylan oo Yuuro.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in lacagtaas uu la socdo agab milatari oo loogu tala-galay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee haatan dagaalka adag kula jira Al-Shabaab

“Wasaaradda Gaashaandhigga waxa ay soo dhaweyneysaa go’aannada Golaha Midowga Yurub ee ku yaboohay taageerada ciidamada Qaranka Soomaaliya saanad iyo agabka dagaalka iyo aduun lacageen oo dhan hal miylan oo Yuuro” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warkan ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in taageeradan lagu qalabeyn doono ciidamada milatariga ee hadda tababarka ku qaadanaya xerada Dhagabadan ee magaalada Muqdisho.

“Dhaqaalahan ayaa loo isticmaali doonaa tayaynta iyo qalabeynta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee hadda lagu tababaro xatunta Jenaraal Dhagabadan” ayaa lagu yiri.

Taageeradan ayaa qayb ka ah qorshaha ay dowladda Soomaaliya, kula wareegeyso amniga dalka oo dhan, marka ay baxaan ciidamada ATMIS dhammaadka sanadka 2024-ka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka socdo dadaallo dheeraad ah oo lagu xoojinayo amniga iyo guluf dagaal oo dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.