Golaha Wakiilada Puntland oo magacaabay gudi doorasho

Garoowe (Caasimada Onlline) – Guddoonka golaha wakiilada Puntland ayaa maantamagacaabay guddiga doorashada xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha ee maamulkaasi.

Kulan ay golaha wakiilada Puntland ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, islamarkaana uu guddoomiyey Cabdirashiid Yuusuf Jibriil guddoomiyaha golahaasi ayaana lagu magacaabay guddigan, kadib wareegto uu saaray guddoomiyuhu.

Sidoo kale guddiga ayaa ka kooban illaa shan xubnood, kuwaas oo ka shaqeyn doono doorashada xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland oo beri dhaceysa.

Halkan hoose ka aqriso:-

Fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa magacaabid Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland,

MARKUU ARKAY: – Dastuurka DPL Qodobada 64-aad iyo 117-aad.

MARKUU ARKAY: – Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 8-aad faqrada 11 -aad.

MARKUU LA TASHADAY: – Guddoomiye ku xigeennada Golaha Wakiillada DPL.

MARKUU TIX-GELIYEY:- Baahida loo qabo Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha Dawladda Puntland.

Wuxuu Magacaabay:

Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.

1- Xil. Cawil Xasan Daad – Guddoomiye

2- Xil. Cabdiraxmaan Diiriye Carab – Xubin

3- Xil. Maxamuud Maxamed Barre – Xubin

4- Xil. Cabdilaahi Siciid Axmed – Xubin

5- Xil. Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed – Xubin

Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha maamulka Puntland ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta berri ah 19ka Luuliyo, 2020 Haddii Alle idmo.