Ammaanka Dhuusamareeb oo aad loo la adkeeyey iyo Farmaajo oo ku wajahan

Istar Cabdi YuusufBy Istar Cabdi Yuusuf

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ammaanka Dhuusamaree ayaa lagu soo warramayaa in saaka si weyn loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka waa weyn ee magaaladasi.

Wararka ayaa sheegaya in Dhuusamareeb uu maanta ku wajahan madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Sidoo kale qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta madaxweynaha ayaa laga dareemayaa halkaasi

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shirka madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada oo dhowaan ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa xal u helista arrimaha doorashada ee 2020/2021

Lama oga natiijada soo ka soo bixi karta shirkan oo si foolka fool ah ay isaga hor imaan doonaan madax goboleedyada iyo kuwa dowladda dhexe.

Si kastaba ha’ahatee waxaa weli muran xoogan uu ka taagan tahay nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkan iyo kan xiga  ee 2021-ka.