34 kun oo Arday ah oo u fariisatay imtixaanaadka shahaadiga ee dugsiga sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dalka si rasmi ah uga bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare, marka laga reebo Somaliland & Puntland.

Imtixaankan oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa u fariisatay illaa 34 kun oo arday ah oo ku kala sugan Muqdisho iyo gobollada dalka.

Sidoo kale waxaa imtixaankan lagu galayaa illaa 112 Xarumood oo la geeyey ciidamo gaar ah oo ka tirsan Booliska, si ay sugaan ammaanka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo imtixaanaadkan ka daah-furay caasimada ayaa guul u rajeeyey ardayda galeysa.

Dhankiisa wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa fariin u diray dhamaan ardayda dugsiyada sare ee maanta u fariisatay imtixaanka qaran ee shahaadiga ah.

“Annigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca waalidiinta Soomaaliyeed,waxaan dhammaan ubaxa Soomaaliyeed ee imtixaanka Qaranka u fadhiisatay u rajeynaa guul iyo natiijo ay ku farxaan”ayuu yiri wasiir Cabdullaahi Goodax Barre.

Waa sanadkii lixaad ee ay dowladda dhexe qaadeyso imtixaanka dugsiyada sare, kaddib burburkii dowladdii dhexe ee dalka, waxaana sanadkaan wasaaradda waxbarashadu ay sidoo kale ku soo kordhisay imtixaanka dugsiga dhexe oo ay qaaday toddobaadkii hore.