Madaxweynaha Jubaland oo gaaray magaalada Cadaado

Cadaado (Cadaado) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhow gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Axmed Madoobe iyo wafdigiisa oo ka soo amba-baxay magaalada Garoowe ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Ujeedka safarka Axmed Madoobe ayaa ah mid ugu kuur-galayo xaaladda magaaladaasi, isaga oo uga sii gudbi doono magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Sidoo kale inta uu joogo Cadaado, wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa mas’uuliyiinta degmada iyo kuwa Galmudug ee ku sugan halkaasi.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo Boolis ah la dhigay waddooyinka magaaladaasi, si ay u adkeeyaan amniga.

Safarka Axmed Madoobe uu maanta ku tegay Cadaado ayaa ku soo aadaya, xilli galabta madaxweynaha Soomaaliya uu isna ku wajahan yahay magaalada Dhuusamareeb oo ay is kala qeyb-gali doonaan shirka madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Si kastaba ha’ahaatee waxa ay noqon doontaa is-aragii ugu horreeyey iyo kulankoodii koowaad oo ka wada qeyb-galaan madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe, tan markii dib loogu doortay doorashadii maamulka Jubbaland ee ka dhacday magaalada Kismaayo.