Puntland oo eedeyn halis ah u jeedisay SOMALILAND

Istar Cabdi YuusufBy Istar Cabdi Yuusuf

Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Garoowe ayaa eedeyntii ugu cusleyd u jeedisay xukuumadda Hargeysa, taas oo saalka ku heysa dagaallo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sool.

Wasiirka caafimaadka Puntland,Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in Somaliland ay ka dambeysay hurinta dagaal beeleed ka dhacay deegaanka lagu Magacaabo Horufadhi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada Somaliland ay diideen in lagala dhex-galo maleeshiyaadka diriraya ee ku sugan Sool.

“Somaliland ayaa isku direysa Beelaha ku dagaalamaya Gobolka Sool, ujeedkoodu waa in ay ka qabsadaan dhinicii awood badiyo ama Magaalada gacanta ku dhigo, Ciidamo ka socda Maamulka Somaliland oo goobta ku sugan ayaa diiday in la kala dhexgalo.” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay dhibaato ka wada guud ahaan gobolka, islamarkaana ay geysay ciidan badan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Somaliland oo ku aadan eedeynta loo jeediyey

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag ka soo cusboonaaday dagaal beeleedyo geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Labada maamul ee Puntland iyo Somaliland ayaa isku haya gacan ku heynta iyo maamulida deegaano ka kala tirsan gobolladaasi.