Xubno ka tirsan Daacish oo BOOSAASO lagu qabtay

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Daacish oo ku sugnaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Saraakiisha ammaanka magaaladaasi ayaa sheegay in xubnahaasi lagu qabtay howl-gal qorsheysan oo ka dhacay halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah xubnaha la qabtay ay ku sii jeedeen dhanka buuraleyda gobolka Bari oo ay ku xoogan tahay kooxdaasi.

Ma shaacin saraakiishu tirada xubnaha gacanta lagu dhigay, balse waxa ay tilmaameen inay haatan ku hayaan baaritaano dheeraad ah, kadibna at ka warbixin doonaan.

Howl-gallada oo laga sameynayo afarta xaafadood ayaa ah kuwa sii socda, waxaana lagu xaqiijinayaa amniga magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Kooxda Daacish oo gacanta ku heyso deegaano hoostaga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa inta badan weeraro ka fulisa deegaanada maamulka Puntland.