Xog: Galmudug oo diiday inay Villa Somalia ku wareejiso hoggaanka shirka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo la filayo in madaxweyne Farmaajo uu berri tago shirka Dhuusomareeb, ayaa waxaan weli kala caddeyn cidda hoggaamin doonta shirka oo ay marti-gelisay Galmudug, sida ay ilowareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Xubno ka tirsan madaxtooyada Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in Villa Somalia ay xiriir lasoo sameysay kana dalbatay in shirka hoggaamintiisa lagu soo wareejiyo, oo madaxweynaha dalka uu hago, hase yeeshee Galmudug ay ku gacan seertay dalabkaas.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dooday inaysan ahayn wax sharci iyo caqli gal ah in madaxweynaha Soomaaliya uu marti ka noqdo dal uu dhammaantiisa hoggaamiyo, ama uusan hoos tagi karin maamul uu hoggaamiyo, sidaas darteedna ay lagama maamrmaan tahay in Galmudug soo wareejiso hoggaanka shirka.

Dhanka kale Galmudug ayaa ku dooday in qaar ka mid ah maamullada dalka, gaar ahaan Jubaland iyo Puntland ay xasaasiyad ka qabaan Villa Somalia, taasina ay ahayd sababtii markii hore keentay in shirka Galmudug ay mart-geliso, sidaas darteed aysan waxba ka beddeli karin martigelinta shirka.

“Annaga waan caddeynay, haddii madaxweynaha lagu qanacsan yahay markii horeba shirka laguma qabteyn Dhuusamareeb, ee waxaa la tagi lahaa Muqdisho, marka ma dhici karto inaan taas aqbalno,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan madaxtooyada Galmudug oo codsaday inaan la magacaabin.

Si kastaba, Ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay inay ku rajo weyn yihiin in Galmudug bedesho mowqifkeeda marka madaxweynaha uu tago Dhuusamareeb, mana cadda sida xaaladda ay ku dambeyn doonto.

Dhana kale, madaxweyne Farmaajo ayaa loo diyaariyey lana dejin doonaa xarunta madaxtooyada Galmudug, oo ah goobta uu shirka ka dhacayo, waxaana ammaankiisa sugaya ku dhowaad 200 oo askari oo koofiya cas ah oo Xamar laga keenay.