Sawiro: Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo aqbalay xilka qaadista Cali Cosoble

Jowhar (Caasimadda Online) – Shir ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxa ay ku ayideen xilka qaadistii lagu sameeyay 14kii bishan Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble.

Kulanka kadib ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cismaan Cosoble ”Cali Wardhigley” ayaa waxa uu ku sheegay in shirka uu ka soo baxay qoddobo ay ka  mid yihiin:-

1)- Goluhu waxa uu ayiday go’aankii dastuuriga ahaa ee xilka loogaga qaaday Madaxweynihii hore ee Hirshabele Cali Cabdulaahi Cosoble.

2)- Goluhu waxa uu ugu baaqay dowlada federalka iyo beesha caalamka in la raaco lana taageero goaanka ay gaareen baarlamaanka 14ka bishan.

3)- Goluhu waxa uu isku raacay in loo diyaargaroobo doorashada Madaxweyaha cusub ee dowlad goboleedka hirshabeelle.

Shirkan  ayaa ahaa kii labaad ee ay golaha wasiirada Hirshabeelle ay yeeshaan tan iyo markii la ansixiyay golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka hirshabelle.

Go’aankaan ayaa niyad jab weyn ku noqon doono Madaxweyne Cosoble oo ku gacan seyray xil ka qaadistii lagu sameeyey.

Lama ogo haddii uu Cosoble ku qanci doono go’aanka kasoo baxay golaha Wasiirada, maadaama uu horey u diiday inuu aqbalo go’aankii baarlamaanka Hirshabelle.

Maamulka Hirshabelle ayaa waxaa soo wajahay daad aan la garaneyn meesha uu uga imaaday kadib markii siyaabo kala duwan xilalkii looga qaaday Madaxweynihii Hirshabelle Cosoble iyo Guddoomiyihii baarlamaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta wafdi heer sare ah u dirtay Jowhar si loo xaliyo khilaafkaan, waxaana wafdigaan hoggaaminayey wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa.