Golaha Wasiirada Soomaliya oo maanta ansixiyay heshiis amni oo lala soo galay dalka…

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay xeer muhiim ah iyo heshiis amni oo ay Soomaaliya lasoo gashay dowladda Ciraaq.

Kulankan ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa inta badan golaha wasiirada oo shirka kusoo bandhigay warbixinno xasaasi ah.

Ugu horreyn goalaha ayaa shirkooda ku ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha xukuumadda, kaas oo hagaya howlaha waaweyn ay xukuumaddu u hayso bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Golaha ayaa meel-mariyey heshiis iskaashi amni, kaas oo ay dhowaan wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq.

Waxaa kale oo shirka golaha wasiirada lagu soo bandhigay warbixinno ka hadlayey xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Dhinaca kale golaha aya dul istaaggay dagaallada ka socda dalka ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo Daacish, kuwaas oo jab-xoog leh ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka, kana saareen degaanno iyo goobo kala duwan oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka­­, iyada oo laga dilay horjoogeyaal u badan ajaaniib, qaar kalena gacanta lagu dhigay.

Howlgallada ayaa hadda xoogoodu ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana ugu daran Gobollada Dhexe, Bari iyo Hiiraan oo lagu weeraray kooxaha argagixisada ah.