Golaha Wasiirada oo balan qaaday dhismaha Xabsiga Weyn ee Xamar.

Xukuumada Soomaaliya ee ka kaboon Toban wasiir ayaa hada si rasmi ah u balanqaadaysa Arimo badan oo aysan waxba ka qawan xukuumadihii la horeeyay.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta Xukumada Soomaaliya C/laahi Cilmooge Xersi ayaa waxuu sheegay in golaha wasiirada Soomaaliya ay isku raaceyn in la tayeeyo Xabsiga dhexe ee Xamar  iyo Maxkamadaha Dowlada Soomaaliya.

C/laahi Cilmooge Xersi Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in la tayeyn doono Xabsiga dhexe ee oo ay haatan ku jiraan dad badan oo ku xiran dambiyo kala duwan.

Waxaa kale oo wasiirka  uu sheegay in golaha wasiirada ay isku raaceen in wax badan la badalaa tayada maxkamadaha dalka Soomaaliya,isagoo xusay in loo baahan yahay in shaqi kastaa oo Soomaali ah uu helaa meel uu dacwadiida u gudbiyo waliba sida ugu dhaqsiyaha badan.

Wasiirka Warfaafinta  ayaa hadalkiisa in taas ku daray in Golaha wasiirada kaga golleeyihiin Arintani sidii ay u heli lahaayeen shacabka Soomaaliyeed caadalad gaar ahaan kuwa ku jira xabsiga dhexe ee Xamar.