Golaha Wasiirada oo jawaab ka bixiyey qoraalladii kasoo baxay Mareykanka iyo EU

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha xilka ra’iisul wasaare Mahdi Maxamed Gulled ayaa kulankii ugu horeeyay ee shirka golaha wasiirada codka kalsoonida lagala noqday shir guddoomiyay, waxaana looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin faragelinta beesha caalamka, arrimaha amniga iyo tallaabadii baarlamaanka ku riday xukuumaddii Kheyre.

Qoraalka GOlaha wasiirada ay soo saareen ayaa jawaab u ahaa baaqyadii adkaa ee Mareykanka iyo Midowga Yurub ee ku socday madaxweynaha iyo baarlamaanka, kuwaasi oo looga soo horjeeday xil ka qaadista Kheyre.

Golaha Wasiirada ayaa waxay ugu baaqeen saaxiibada Soomaaliya oo ay ula jeedaan beesha caalamka inay ilaaliyaan madax bannaanida dalka, hammaan talooyinka ay siinayaana dowladda ay u marsiiyaan marinnada diblamaasiyadda.

Hadalkaasi oo ka dhashay baaqyadii beesha caalamka ay ku cambaareeyeen tallaabadii baarlamaanka ku riday xukuumaddii ra’iisul wasaare Kheyre kuna xuseen in dib u dhac u keeneyso hannaanka dimoqraadiyadda iyo rajada caalamka ka qabay Soomaaliyada cusub.

Qoraal kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa walaac looga muujiyay qaabka ay u dhacday xil ka qaadista Xasan Cali Kheyre, waxaana warbixin safaaradda Mareykanka ee Somalia lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ka xun tahay ficilladii madaxweynaha iyo baarlamaanka ay kalsoonida kagala noqdeen xukuumadda Kheyre, taasoo ay sheegtay in ay xagal daacineyso geedi socodka wadahadallada iyo wada xaajoodyada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada.

Sidoo kale, war murtiyeed kasoo baxay Midowga Yurub iyo IGAD ayaa walaac looga muujiyay habkii uu u dhaqmay baarlamaanka federaalka Somalia, madaxweynuhuna ku raacay.

Dhinaca kale, kulanka golaha wasiirada ayaa looga hadlay arrimaha COVID19 iyo sidii dib loogu furi lahaa adeegyadii ku xirmay halista cudurkaasi. waxayna sidoo kale goluhu boggaadiyeen howlihii adkaa ee uu soo qabtay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.