Qoor Qoor oo soo gaaray Muqdisho iyo ujeedka ka dambeeya safarkiisa (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” ayaa goordhow Muqdisho kusoo gaaray safarkiisii ugu horreeyey tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha.

Qoor Qoor ayaa ayaa safarkiisa kusoo aaday laba maalmood kadib markii xilka laga tuuray ra’iisul wasaarihii xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo ay saaxiib dhow ay ahaayeen.

Safarka Qoor Qoor ayaa lagu waramayaa inuu la xiriiro laba arrin oo mid ay tahay xaalada cusub ee kusoo korortay siyaasadda dalka iyo sidii uu madaxweyne Farmaajo ugu hadli lahaa isbadalka dhacay iyo in uusan saameyn ku yeelan shirka loo balansan yahay 15-ka Agoosto inuu dhex maro guddiyo ka socda Dowladda iyo maamulada gobolada.

Intaas kadib ayaa sida ay wararka qaar sheegayaan la filayaa in madaxweyne Qoor Qoor  uu arrimo caafimaad u aado dalka Turkiga.

Kalsooni kala noqoshada xukuumaddii Kheyre ayaa loo arkaa inay dhabar jab ku tahay yadadiiladii laga qabay shirkii kusoo dhamaaday Dhuusamareeb iyadoo loo balansanaa wajigii seddexaad ee shirkaasi si meel la isugu dhigo nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso, balse ay arranta u muuqato muddo karorsi Villa Somalia u qorsheysan inay ku fashiliso shirkaasi loo balansan yahay.