Golaha wasiirada Puntlnd oo ka shiraya go`aanka dalka looga mamnuucay shirkada DP World.

Garoowe (Caasimadda Online) – Maalmihii ugu dambeeyay ayaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu kulamo gooni gooni ah la qaadanayay Golahiisa Wasiirada iyo gudiga arrimaha dibada ee Baarlamaanka Puntland si go’aan looga gaaro mowqifkooda ku aadan  ka mamnuucida dalka laga Mamnuucay shirkada DP World.

Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in kulamadaas oo aad u dheeraaday ay ugu dambeyn maanta la filayo in puntland Go’aan rasmi ah ka qaadato ka mamnuucida dalka laga mamnuucay shirkada DP World.

Lama oga go`aan ay qaadan doonaan mamnuucitaankii dalka laga mamnuucay shirkada laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP World, horay ayey aheed markii xubno ka tirsan maamulka Puntland ay u sheegeen in ay soo dhaweynayaan in  dalka laga mamnuuco shirkadaasi oo ay ku eedeeyeen in gacan saar ay la leedahay Soomaaliland.

Saacadaha soo aadan ayaa la filayaan in uu soo gaba gaboobo kulamada xasaasiga ah ee ka socda madaxtooyada Puntland ee Garowe, iyadoona Puntland ay cadeyb toonto mowqifkeeda ku aadan ka mamnuucida dalka laga Mamnuucay shirkada DP World.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com