Deg deg: Qarax Xooggan oo ka dhacay Iridda hore Hotel ku yaal Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu qarax xooggan halkaas ka dhacay.

Qaraxaan oo ahaa mid si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo baxayo warar hordhac ah.

Sida ay goobjoogayaal sheegayaan qaraxaan oo ahaa gaari ismiidaamin ah ayaa wuxuu ka dhacay kasoo horjeedka Hotelka Wehliye oo ku yaal inta u dhaxeyso Dabka iyo Sayidka.

Lama ogo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas balse waxay wararka hordhaca ah sheegayaan inuu jiro Khasaaro xoggan oo halkaas ka dhashay.

Waxay dhibaato xoog leh kasoo gaartay dadweyne ku shaaheenayo agagaarka Hotelk, maadaama ay meeshaas tahay meel aad loo buuxo.

Gaarigaan ayaa la aaminsan yahay inuu yahay mid weyn oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa waxaana weli kala cadaan haddii uu naftii halige waday iyo haddii kale

Qoraal ayaa ku socdo

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com