Faahfaahin ku saabsan Qaraxii xoogaanaa ee Muqdisho ka dhacay iyo Khasaaraha ka dhashay oo….

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraxa oo Jugtiisa laga Maqlay qeybo badan oo Kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa si gaar ah uga dhacay Ka soo Horjeedka Hoteelka Wehliye ee Magaalada Muqdihso, Waxaana jira Khasaare isugu jira dhiamsho iyo dhaawac oo soo gaaray dadka Shacab ah oo isugu jira Kuwo ka shaaheynayay Maqaaxi ka soo horjeeda Hoteelka, Kuwo wadada ku lugeynayay iyo dad Mootooyin Bajaaj ah watay.

Gawaarida Gurmadka degdega ee Ambulanceka ayaa wali ku sii qulqulaya Goobta qaraxa uu ka dhacay, Waxeyna daabulayaan dadka Dhaawacyada qaba iyo kuwa meydka ah ee Qaraxa waxyeeladiisa ay soo gaartay.

Warar is Khilaafsan ayaa ka soo baxeysa qaabka qaraxa uu udhacay, Wararka qaar waxa ay Sheegayaan in qof watay gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa uu isku qarxiyay Goobta, Halka warar kalena ay sheegayaan inuu qarxiyay Gaari looga tagay ka soo Horjeedka Hoteelka Wehliye.

Ciidamada amaanka ee Dowladda ayaa qaraxa kadib isku gedaamay goobta, Waxeyna dadka udiidayeen iney meesha udhawaadaan, iyadoo mararka qaarna la maqlayay rasaas ay ridayeen Ciidamada amniga.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay, xilli wadada aheyd mid mashquul ah oo ay gaadiid kala duwan marayeen.

Gaadiidka Gurmadka degdega ee Aamin Ambulance ayaa soo sheegaya inay arkeen dhimashada 16, halka dhaawaca afar kalena ka qaadeen goobta.

Wararka ayaa intaa ku daraya in laga yaabo in khasaaraha intaas ka badna, maadaama xilli hore ay tahay.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan, waxaana ku yaalla Hotelada ugu caansan oo ay degaan siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com