Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyay xeerar dhowr ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada oo uu maanta shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa lagu ansixiyay xeer muhiim u ah socod-siinta howlaha dowladda.

Xeer-nidaamiyayaasha lagu ansixiyey shirka Golaha Wasiirada ayaa kala ah: Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

Shirka oo ay fadhiyeen inta badan Golaha Wasiirada ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka dhageystay warbixino kala duwan oo la xiriirta shaqadooda, isaga oo ku booriyay dardar-gelintooda.

Sidoo kale Golaha ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhawaan xilka kala wareegaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu kaga adkaaday doorashadii 15-ka May.

“Madaxweyne Xasan Sheekh marka hore waa u hambalyeynayaa aniga oo ku hadlaya magaca Golaha Wasiirada, Waxaa leeyahay Allaha u fududeeyo howsha culus ee uu qabtay madaxweyne Xasan Sheekh,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay shirka Golaha Wasiirada.

Ugu dambeyntiina waxa uu Ra’iisul Wasaaraha faray Golaha Wasiirada inay si hufnaan leh u gutaan shaqadooda, ayaga oo dantooda shaqsiga ah ka hormarinaya midda guud, islamarkaana daacada ugu adeegan bulshada Soomaaliyeed.