DF oo si rasmi ah maanta u fasaxday lacagtii laga xayiray IMAARAADKA CARABTA

Muqdisho (Caasimada Online) – Lacagtii dowladda Imaaraadka Carabta ee dowladda Soomaaliya ay xayirtay bishii April 2018 ayaa ugu dambeyn maanta la fasaxay, ayada oo lagu wareejiyey safiirka dalkaas ee Muqdisho, sida ay xaqiijisay Caasimada Online. 

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.”

Sii-deynta lacagtaas oo dhan $9.6 milyan ee maanta ayaa timid kadib go’aan kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo lagu amray in la fasaxo lacagtaas, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Maxkamadda u xaqiijiyeen Caasimada Online. 

Kadib go’aankaas, ayaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu lacagta ku wareejiyey safiirka Imaaraadka ee Muqdisho Mohamed Ahmed Al’uthman.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 7-dii Janaayo 2022 wuxuu dowladda Imaaraadka ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacagtaas oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, wuxuuna amray in la fasaxo.

Isla maalinkaas Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray go’aan ka dhan ah dib u celinta lacagtii dowladda Imaaradka wuxuuna guddoomiyaha Bankiga Dhexe ka dalbaday in uusan ogolaan in go’aanka Rooble sanduuqa dowladda looga bixiyo lacagtaas, isagoo go’aanka lacagta lagu celinayo ku tilmaamay mid hal nin qaatay.

Muranka Rooble iyo Farmaajo ayaa waxaa 30-kii Janaayo soo faro-gelisay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo saartay amar lagu hakinayo bixinta lacagta Imaaraadka taasi oo hakad gelisay in lagu wareejiyo dowladda Imaaraadka.

Si kastaba, Maxkamadda ayaa hadda u muuqata inay maanta beddeshay go’aankeedii hore, waxayna soo saartay amar cusub oo lagu fasaxay lacagta ugu dambeynna dib loogu celiyey Imaaraadka Carabta.