Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa inta badan golaha oo xaadiray shirka maanta.
Ugu horreyn golaha wasiirada Soomaaliya ayaa meel-mariyey wax ka beddelka Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo horumarinta Sharciga oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
Intaasi kadib waxaa golaha u mahadceliyay wasiir Xasan Macallin oo markii horeba golaha wasiirada faah-faahin ka siiyay xeerka ay maanta ansixiyeen goluhu.
Sidoo kale qaar kamid aj xubnaha golaha ayaa la dhageystay warbixino ku aadan xaaladda dalka, sida ammaanka, dagaalka Al-Shabaab iyo dhaqaalaha.
Warbixinnada ayaa sidoo kale la xiriirray horumarka laga sameeyay dhanka diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, Amniga iyo Dhaqaalaha dalka.
Shirka golaha wasiirada oo la qabto todobaad kasta maanta oo kale ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa waxqabadka xukuumadda, iyada oo sidoo kale lagu gaaro go’aanno waa wayn.