Golaha wasiiradda Somalia iyo sirtii uu ii sheegay taliyaha sirdoonka dal Carbeed

Waxaan aad u xiisaynayay dhismaha Golaha Wasiiradda , waxaan xog u doontay Taliye Nabad Sugid Dal Carabta Afrikaad ah , oo aan isku dufcad ahayn waayihii Midawga Soofiyeet , Moosko kadib waxaan lahayn walina leenahay xariir saaxiib iyo mid shaqo , waxaan wax ka Layliyaa Saraakiisha cusub ee Dalkiisa, waxaan u diray Telifoon oo waxaan waydiistay bal inuu iiga waramo waxa ay kasoo aruuriyeen raggiisa dhismaha Xukuumadda Soomaaliya , xantan oo xiise gaara ii leh ayaan doontay .

Wuxuu yiri Xiiranoow neef ayaa kasoo baxday dariskiinna,markii lagu dhawaaqay Golaha oo ay lug ku yeesheen xulidda ayagoo adeeg sanaya Soomaali badan oo ay ku darsadeen Siyaasadda Soomaaliya, waxay ku guulaysteen in meesha ay kasaaraan Cabdi Isaaciil Samater inuu hago Siyaasadda Amuuraha Dibadda , waxay darisku qabaan gaar ahaan Itoobiya inuu ninkaas xoog u neceb yahay aqoon durugsanna u leeyahay xariirka adduunka sidoo kale inuu yahay nin aan la gaban waxa uu qabo , xafiiska arimaha dibadda ee Itoobiya waxay u arkaan in Agaasimihii Raadiyaha Boqortooyada Ingiriiska (BBC) Laanta Soomaaliga Yuusuf Garaad oo ay ku sheegen ( Good man ) Nin fiican inuu hago amuuraha dibadda .

Itoobiyaanku waxay qabaan inuu Zakariye Xaaji Maxamuud yahay nin ay ku hartay Nacaybka Itoobiya asaga iyo Duqiii hore ee Magaalada Muqdisho Maxamuud Tarsan oo ay qabeen dublamaasiyiin badan oo Xamar joogta inuu noqon doono Wasiirka War-Faafinta uuna kaalin mug leh ka qaadan doono kicinta iyo abaabulka Shacabka waa nin aftahan ah ayna ku fogaatay nacaybka Itoobiya .Xogtan oo aan si gaar ah uga codsaday Taliyaha inuu bal ii ogolaado wixii aan dhaawacayn danaha Qarankiisa, ayaan ka bartay wax badan oo aanan ogayn .

Waxay dadaal xoog leh u galeen dawladaha danta ka leh Soomaaliya ayagoo adeeg sanaya Saraakiil shisheeye oo Xarunta Xalane inay xubno ku yeeshaan Golaha Wasiirada bacdamaa lagu guul daraystay in laga hortago doorashadii Farmaajo , haattan waxay dawladahan ku dadaalayaan in la kordhiyo caqabadaha dahsoon ee lagu wiiqayo dadaalada Xukunka Cusub , Dawlad Khaliijka ah oo aanan magaceeda la iisheegin ayaa dadaal fiican u gashay in liiska Golaha Wasiirada laga saaro maal mihii u danbeeyay Aadan Xassan oo lagu waday Wasiir ku Xigeenka Arimaha Gudaha ama Amniga oo kasoo baxay dugsi nabad galyo oo ku yaalla mid ahaan Algeeriya , Suuriya ama Tunis , wuxuu dhawaan ka helay Hogaamiyaha Moritaaniya Bilad Sharafka Wax-Barashada asagoo muddo kaaliye u ahaa Wasaaradda Barbaarinta, kadib doorkiisii wax akhriska ubadka u dhexeeya 3 ilaa 7 ee dugsiyada Dawladda Moritaaniya .

Dawladda Jabuuti ayaa miisaankeeda u isticmaashay inuusan Dr C/Nuur Sheekh noqonin Wasiirka Tacliinta waxayna sabab uga dhigayaan dagaalkooda ninkaas inuu yahay ( Akhwaanul Muslimiin ) haddii ay tacliinta la wareegaanna waxay saamayn xoog leh ku yeelan doonaan Siyaasadda Jabuuti ee Qunyar Socodka Islaamka ah uu ka jiro , Dawladda Kiinya ayaa isha ku haysa Wasaaraddo gaar ah oo ay ka mid tahay Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta , Gaashaandhigga oo ay la wadaagto Itoobiya , labadaas dal waxay u arkaan in lasoo dhisay xukuumad ay fahmi karaan lana shaqayn karaan 4 sano ee soo socota , hasa yeeshee waxaa wali muuqda cabsi laga qabo Golaha Shacabka inay ku celiyaan Khayre inuu mar kale soo dhiso Xukuumad ka duwan middan haattan uu sameeyay oo abuurtay guux fara badan .

W/D: F. Xiirane
Sarkaal (N.S.S 1976 – 1991)
fahiira@gmail.com