Warbixin: Gole arrimaha Jubbooyinka loogu tala galay oo lagu dhawaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maalintii shaley looga dhawaaqay golle ay ku mideesan yihiin siyaasiyihiin iyo xildhibaanno horre, kuwaasoo ka arrinsan doona mustaqbalka iyo isku soo dhaweenta bulshadda ku dhaqan gobalada Jubbooyinka.

Guddigaas waxaa madax looga dhigay Col Cabaas Maxamuud Caddow, wuxuu la hadlay VOA-da wuxuuna sheegay in guddigooda loo sameeyay siddii la isku soo dhaween lahaa beelaha degga Jubbooyinka.

Wuxuu sheegay in guddigooda uu ka shaqeen doono siddii uu u hirgali lahaa shirarka dib u heshiisiinta ee ka kala dhacaya Muqdisho iyo Kismaayo.

Mar la weydiiyay sida ay u arkaan heshiiskii dhexmaray wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka Axmed Madoobe, wuxuuu sheegay guddigooda in ay soo dhaweenayaan wax kasta oo ku saabsan siddii nabad loogu soo dabaali lahaa Jubbooyinka.

Ugu dambeen, Col Cabaas ayaa sheegay in la kulmi doonaan wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya isla markaana ay kala hadli doonaan qorshaha shirarka lagu kala qabanaayo Kismaayo iyo Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

caasimada@live.com