Xiisad ka dhex taagan ciidamada DF & Ahlu Sunna & dagaal laga cabsi qabo

Baladxaawo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Balad-Xaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay saaka ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeesa ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.

Degmada ayaa xaley la sheegay in ay ka dhaceen is-rasaaseen u dhexeesa labada dhinac, waxaana magaalada saaka ka taagan xiisad dagaal.

Magaalada waxaa ku sugan ciidamada Ahlu Sunna, halka ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin banaanka magaalada sida ay sheegayaan dadka goobjoogayaasha ah.

Xiisadan ayaa ka dhalatay markii sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ay dhaawaceen ciidamada Ahlu Sunna, sidoo kale waxaa magaalada ka dhacay qarax lagu weerarray ciidamada Ahlu Sunna.

Waxaa socota waan-waan ku aadan siddii lagu damin lahaa xiisada ka taagan magaalada Balad-xaawo.

Labada dhinac waxa uu mid kasta ku eedeenayaa in ay ka dambeeyaan xiisadda ka taagan magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com