Goodax: “Ma jirto khiyaano qaran oo ka weyn, waana arrin aan looga hari doonin Fahad iyo Farmaajo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si adag uga hadlay wararka sheegaya in ciidamo tababar loogu qaaday Eritrea lagu laayay dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigreega.

Goodax Barre oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ee wakhtigooda dhamaaday ayaa sheegay iney mas’uuliyad darro tahay waxa dhacay, islamarkaan ay arrinta walwal iyo walaac hor leh kusii abuureyso waalidiin badan.

Goodax ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaalka waalidiin ilmeynaya, kaasi oo uu soo raaciyay qoraal uu madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha nabad sugidda Fahad Yaasiin ku eedeynayo iney geysteen qiyaano qaran, isla markaana lagula xisaabtami.

“Waa arrin aad u fool xun, murugo iyo masuuliyad darro aan qiil lahayn. Waxay walwal iyo walaac badan arrintan kusii abuureysaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ubadkooda u hibeeyay in ay difaacaan dalka iyo dadkooda. Waxay caqabad ku noqon doontaa in la helo dhallinyaro mustaqbalka ku soo biirta ciidamada qalabka sida,” ayuu Goodax Barre kusoo qoray bartiisa Facebook.

Isagoo qoraalkiisa sii wata ayuu wuxuu raaciyay: “Ma jirto khiyaano Qaran oo ka weyn, waana arrin aan looga hari doonin Fahad iyo Farmaajo dambigan ay ummadda Soomaaliyeed ka galeen”

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay beeniyay iney jiraan ciidan tababar loogu diray Eritrea oo lagu laayay dagaalkii Tigraay, wuxuuna ka digay in ciidanka la siyaasadeeyo.