Goodax oo war kasoo saaray kufsigii iyo dilkii XAMDI

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii hayaha wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre ayaa si adag uga hadlay falkii arxan darrada ahaa ee loo geystay, marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo ka mid aheyd ardayda sanadkan ka qeyb-galay imtixaanka dowladda, taas oo la’isugu daray kufsi iyo dil.

Goodax Barre ayaa sheegay inuu si xoogan u cambaareynayo falkaasi foosha xun ee lagu kala kacay marxuumadda, kadib markii laga soo tuuray dhisme dabaq ah.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dadkii ka dambeeyey falkaasi ay baabi’iyeen hamigeeda iyo rajadii ay reerkeeda ka lahaayeen.

“Waxaan aad u cambaareynayaa kufsiga iyo dilka foosha xun ee loo geystay Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo ka mid ahayd ardaydii sannadkan u fariisatay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiga Sare. Waxay baabi’iyeen hammigeeda iyo rajadii ay reerkeeda ka lahaayeen.” ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Ugu damgeyn Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in kufsiga iyo ku xadgudubka gabdhaha inuu yahay dhaqan aad u xun oo maalmahan kusoo xoogeystay dalka.

Allaha u naxariistee falka kufsiga iyo dilka ee loo geystay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd ayaa ka dhacay degmada Waabari, waxaana loo soo xiray afar ruux, sida uu shaaciyey taliska ciidanka Booliska oo baaritaan ku haya dhacdadaasi.