Xogta kulankii Cumar Filish uu xalay qabtay ee xaalada siyaasadeed ee dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay ururada bulshada rayidka ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Duqa Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale waxaa si gaar ah diirada loo saaray sidii ay ururada bulshada rayidka ah qeyb uga noqon lahaayeen doorashada soo socota ee 2020/2021.

Tahliil Shaatax oo ah guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ah oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Cumar Filish, wuxuuna tilmaamay inay muhiim yihiin kulamada noocaan oo kale ah.

Sidoo kale Tahliil ayaa intaasi ku daray inay diyaar u yihiin inay qaataan doorkooda ku aadan wada-hadallada doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha’ahaatee hoggaanka ururada bulshada rayidka ah ayaa horey ula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, madax goboleedyada iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka ee ka jira gudaha dalka.