Wararkii ugu dambeeyey shirka wada-tashiga Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacaha soo socda lagu wadaa inuu si rasmi ah xarunta Villa Somaaliya uga furmo shirka wada-tashiga dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo diirada lagu saarayo xaaladda guud ee dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furi doono Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo, iyadoona ay ka qeyb-galayaan Madaxweynayaasha maamullada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa dhameystirka heshiiskii Dhuusamareeb 3 iyo arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.

Is-jiid siyaasadeed ayaa muddo ka taagnaa qabsoomida shirkan, kadib markii uu sii xoogeystay is faham-waaga u dhexeeya dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland.

Shirka wada-tashiga Muqdisho oo aad isha loogu wada-hayo ayaa loo arkaa fursad muhiim ah, waxaana la filayaa in go’aan mid ah looga gaaro doorashada soo socota.

Si kastaba ha’ahaatee xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid cakiran, iyada oo ay wax kasto bedali karaan go’aanada ka soo baxa shirka wada-tashiga ee ay caasimada ku leeyihiin madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.